Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Rasmi ah ay uga Billaabatay Waddanka Sucuudiga

Riyadh (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

PUNTLAND POST