Puntland iyo Somaliland midba dhinac ku eedeeyay dagaal ka dhacay Tukaraq

Mas’uuliyiinta  Somaliland iyo Puntland ayaa si yaabo kala duwan uga warbixiyay dagaal xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay isku’hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland,Maxamed Muuse Abees oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Puntland ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee Tukaraq.

Wasiir Abees wuxuu sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku dhintay weerarka oo dhinaca Puntland laga soo qaaday,sida uu hadalka u dhigay,balse Somaliland ay iska’ difaacday weerarkaasi. Hase yeeshee wuxu intaas raaciyay in aysan ka warhayn khasaaraha gaaray ciidamada Puntland.

Sidoo kale Abees wuxuu ku hanjabay in Somaliland dulqaadkii ka dhammaaday oo haatan wixii ka dambeeya aysan nabad qaadan doonin,maadaama sida uu sheegay ay Puntland jebisay xabbad-joojin ay beesha Caalamku garwadeen ka ahayd.

Dhinaca guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland ,Abukar Cabdi Geelle oo Puntland Post wareysi siiyay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay xalay weerar arbushaad ah ku qaadeen taliska ciidamada Puntland ee Tukaraq,islamarkaana ay ku fashilmeen weerarkaasi.

Geelle wuxuu  sheegay in ciidamada Somaliland dagaalka looga dilay 4 askari,halka 14 kalena laga dhaawacay,3 gaadhina laga gubay,laakiin aan dhanka Puntland wax khasaare ah soo gaarin,sida uu hadalka u dhigay.

Warar madax-bannaan oo aan halkaasi ka helayno ayaa sheegayaa in ciidamo degaanka u dhashay oo taageersan Puntland ay weerarka ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee dhinaca Koonfureed ka xiga degaanka Tukaraq.

Taliska la weeraray ee ciidamada Somaliland ayaa ka durugsan jiidda hore ee Tukaraq,sida ay xaqiihinayan ilo ka madax-bannaan labada dhinacba. Laakiin xog sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

PUNTLAND POST