Kolonyo ay leedahay AMISOM oo la qarxiyay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Kolonyada ayaa la sheegay in qaraxa lagula eegtay degaanka Gololeey oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar kana tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee ciidamada Burundi ay waxyeello ka soo gartay qaraxa oo aha miino wadada lagu aasay.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in qaraxu haleelay kolonyo kamid ah AMISOM oo ka soo laabtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo ay sahay iyo saanad ciidan geeyeen.

Dhinaca kale malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi,sida ay lagu daabacay warbaahinta taageerta.

PUNTLAND POST