Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kula kulmay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay wada shaqeeyn dhexmarta aqalka sare iyo Qaramada Midoobay.
Nicholas Haysom ayaa balan qaaday in uu si dhow u la shaqeeyn doono Xubnaha aqalka sare ee dalka.
Nicholas Haysom oo ah ergeyga cusub ee Qaramada midoobay u qaabilsanaan doono arimaha Soomaaliya ayaa badalaya ergeygii hore ee Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Micheal keating.
Hoos ka daawo sawirada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.