Dagaal xalay ka dhacay Tukaraq

Weerar ambush ah ayaa xalay lagu qaaday talis kamid ah ciidamada Somaliland ee fadhiya Tukaraq,sida ay sheegeen dadka degaankaasi.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay dagaal socday in ka badan hal saac oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo taageersan Puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ee jiidda Tukaraq ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday talis ay leeyihiin militariga Somaliland oo ka durugsan furinta hore.

Saraakiisha ayaa intaas raaciyay in weerarka ay halkaasi ka fuliyeen ciidamo degaanka u dhashay oo Puntland  taageersan islamarkaana Somaliland khasaare kala duwan loogu geystay.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac,sidoo kalena Puntland iyo Somaliland midna weli kama hadlin.

Hase yeeshe guddiga difaaca Puntland ayaa la filaya in ay maanta saxaafadda uga warbixiyan dagaalkii xalay iyo khasaaraha la dhashay.

PUNTLAND POST