Xilliga uu furmayo Kal-fadhiga Afaraad ee Golaha Aqalka Sare oo la Shaaciyay 

Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Sare, Waxayna sidoo kale iska xog-wareystay halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Xubanah Golaha Aqalka Sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada dalka.

Intii uu kulanku socday ayay xildhibaannadu waxay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Golaha Aqala sare, waxaana shir-guddoominayay kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdii Xaashi C/llaahi.

Hab-dhowraha Golaha Aqala Sare ee Baarlamanka Somalia, Senator C/kaafi Macallim Xasan oo kulan kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la isku-af-gartay in ugu dambeyn kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare uu furmo 15-ka bishan Oktoobar.

Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-af-garan-waagii soo dhex-galay Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada dalka, balse weli ma jiro wax heshiis ah oo ay soo saareen.

Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa wuxuu horay u diiday in kal-fadhigooda uu la furmo kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose oo furmay 10-kii bisii hore ee la soo dhaafay, iyagoo u andacooday inay u yaallaan hawlo u haahan inay wax ka qabtaan furitaanka kal-fadhigooda ka hor.

Ugu dambeyn, Aqalka Sare oo xubnihiisu ay ka kooban yihiin 54-xubnood, ayaa matala maamul-goboleedyada dalka ka jira, waxaana hawlahooda inta ay ku wajahan yihiin xal-u-helidda murannada soo dhex-gala Dowladda dhexe iyo dowlad-gobleedyada ay matalaan.

PUNTLAND POST