Xildhibaanno mooshin ka keenay Waare oo ka laabtay

Xubno ka tirsan xildhabaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay in ay ka laabteen mooshin ay ka gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi,Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannada ayaa ka hor inta aysan go’aankooda ka laaban,waxay kulan albaabafu u xidhan yihiin madaxtooyada kula qaateen madaxweyne Waare.

Markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed wuxuu halkasi kaga dhawaaqay in xubnihii mooshinka keenay ay ka noqdeen,isagoo ku ammaanay in ay shaqadooda gudanayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa goobta ka sheegay in mooshinka laga keenay u canaan ahaan u qaadanayo,islamarkaana uu dib u saxayo waxyaabaha lagu dhaliilsanyahay.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ee haatan sheegay in ay ka laabteen oo gaaraya ilaa 50 mudane,ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedaynayay xil gudasho la’aan joogta ah iyo in hay’adihii xukuumaddu fadhiid noqdeen.

PUNTLAND POST