Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukun ku Ridday Askari dhac geysan jiray

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda cidiamada xoogga dalka Somalia ayaa ku ridday maanta xukun xabsi ah, dable booliis Maxamed C/kariin C/llaahi oo laga soo qabtay Agagaarka xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka kasoo baxay salaadda Subax iyo kuwa kale oo u sii socday masjidka.

Askarigan la xukumay ayaa waxaa Guddoomiye Waaxeedka Xaafaddaas iyo Taliyaha Rugta Boliiska ku wargeliyay shacabka, iyadoo ugu dambeyn lagu soo qabtay dambiilahan la xukumay hawlgal ay ciidamadu sameeyeen 17-kii bishii bishii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii hore baaritaan dheeraad kaddib waxay soo dhameystireen Gal-dacwadeedka eedeysanaha, waxayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Dhageysiga dacwadda intii ay socotay ayaa mid ka mid ah dadkii dhibaatada uu u geystay wuxuu garsoorayaasha maxkamadda u sheegay in xilliga dhaca uu u geysanayay eedeysanahan uu u cararay masjidka balse nasiib-xumo uu kaga soo daba-galay masjidka oo uu taleefooka ka qaatay.

Intaas kaddib, Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay teleefoonnadii uu dhacay eedeysanaha, wuxuuna ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Ismaaciil Salaad Maxamed uu ku dooday in lagu xukumo eedeysanaha xukun tusaale u noqda kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha.

Sidoo kale, Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka maxkamadda maadaama uu qirtay dambiyada lagu soo oogay oo dhan.

Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed C/kariin 8-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu Col. Xasan C/ramxaaan Aadan Wabiyow u sheegay dhamman dhinacyada ka qayb-galayay dacwadda. Wuxuuna intaas ku daray in eedeysanaha ay furan tahay inuu rafcaan ka qaadan karo haddii uusan xukunka ku qancin.

Ugu ambeyn, Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar ka  mid Xaafadaha Muqdisho, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha.

PUNTLAND POST