Doorashada Puntland 2019: Musharax hebel qiimaha u sareeya ayuu ku baayici doonaa xildhibaanada!!

Sida lawada og yahay Puntland waxay siweyn isugu diyaarinaysaa doorashada Madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019 iyo xulista xildhibaanadda kamid noqonaya aqalka wakiilada oo ah kuwa iyagu doorta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, maadama aysan Puntland weli u gudbin doorasho muwaadin weliba codkiisa dhiibto.

Xulista Baarlamaanka

Gollaha aqalka Wakiiladu waxay ka kooban yihiin 66-xildhibaan oo lagu saleeyey qaab gobal oo hadana beelaysan, tusaale gobal weliba wuxuu leeyahay tiro cayiman, haba kala badnaadeene hadana waxay ku salaysan yihiin qabaa’il oo beel weliba waxay qaadataa tiro layaqaan wallow ay jiraan beello reer Puntland ah oo aan Baarlamaanka ka dhex muuqan iyo kuwo u kala qaata qaab meerto ah.

Xiligan oo kale waxaa Puntland laga dareemaa xulista xubnaha kamid noqonaya gollahan, sida hadaba ka muuqata  guud ahaan deegaanada Puntland waxaa xiligan ka socda rucla orodka loogu jiro xubnaha Baarlamaanka waxayna dadka doonaya inay noqdaan xubin Baarlamaan ay arjiyadooda u geystaan isimada iyo nabadoonada beelaha oo iyagu ah kuwa iska leh soo saarista iyo doorashada xubnahan.

Musuq-maasuqa

Qaar badan oo kamida Dadka u ordaya Baarlamaanka Puntland ayaa aaminsan inay tahay meel ay dhaqaalle xoogan ka tabci karaan mudada kooban ee ololaha doorashadu socoto, waxayna iyaguna bixiyaan lacago ay ku laaluushaan odayaasha dhaqanka iyo dadka saamaynta ku leh beelaha si ay ugu soo xullaan xubin Baarlamaan, sababta musharaxa xildhibaan uu lacagtiisa ugu bixinayo sidii uu u heli lahaa xubinta waa un inuu isaguna hello laaluusha uu ka qaato musharixiinta u tartamaaya madaxtinimada Puntland, waxaa la oran karaa masiibadda laaluushku meel walba way gaartay kasoo billow xildhibaan, oday dhaqan iyo mid doonaya Madaxweyne.

Musharixiin durba sii saadiliyey inay laaluushi doonaan xildhibaanada

 Qaar kamida musharixiinta u ordaya madaxtinimada Puntland ayaa sii saadaliyey inay laaluushi doonaan Baarlamaanka si ay u gaaraan halka ay hiigsanayaan iyagoo weliba xalaaleeyey bixinta laaluushka.

Mushrax Faarax Cali Shire oo dhawaan lagu weydiiyey magaalada Qardho inuu Baarlamaanka siin doono laaluush iyo in kale ayaa ku juwaabay inuu bixin doono, maadama loo fadwooday ayna suurtagal u ahayn inuu Madaxweyne noqdo haduusan baarlamaanka laaluushin, musharax Faarax ma cadayn cida ugu fadwootay bixinta laaluushka.

Sidoo kale Musharax Saadiq Eenow ayaa yiri hadal kaas u eg oo ahaa inuu siin doono Baarlamaanka hadiyad, si ay Madaxweyne ugu doortaan, lama yaqaan waxa ay hadiyadaasi la micno tahay.

Niyad jabka Dadweynaha ee Doorashada 

Dadweynaha reer Puntland marka aad la sheekaysatid waxay quus ka muujinayaan inay soo baxaan dad u qalma hogaamintooda iyagoo taas ku sababeynaya musuq-maasuqa iyo laaluush kala qaadashada aan laga xishoonayn ee ka muuqata doorashadan iyo kuwii ka horeeyeyba

Tusaalle dadka qaar ayaa ku oranaya Musharax hebel waa nin wanaagsan oo u qalma hogaaminta Puntland, waxna ka bedeli kara dalka, hase ahaatee jeebkiisu ma buurna, taasi waxay la micno tahay inaan la dooran doonin nin aan lacag xoogan wadan oo aan meel kasta laaluush ku awdi karin.

Musharax hebel ayaa soo socda oo qiimihii u sarreeyey ku baayacaya Baarlamaanka:  

Kalmadan waxaa adeegsada taageerayaasha musharixiinta doorashadda marka ay dadweynaha ka gadayaan musharaxooda, waa borobogaandada ugu badan ee suuqa loo geliyo musharixiinta, bal u fiirso la oran maayo musharax hebel waa nin wanaagsan oo ay ka go’an tahay inuu dadka iyo dalka wax u qabto, waxa kaliya ee lagu gaddo musharixiinta madaxtinimada Puntland waxay noqotay hebel wuxuu bixinayaa laaluush xoogan.

Maxaa laga fillayaa hogaan laaluush lagu doortay?

Xildhibaanka laaluushka kusoo baxay waa inuu doortaa Madaxweyne uu laaluush ka qaatay si uu u hello dhaqaalihii ka baxay, sidoo kale madaxweynaha laaluushka kusoo baxay waa inuu dhacaa hantida dadweynaha si uu uga hello ugu yaraan dhaqaalihii kaga baxay laaluushkii doorashada, taas waxay la micno tahay inaysan dadweynuhu wax badan ka sugi doonin madaxda laaluushka kusoo baxda.

Arintan ayaa ah dhaqan ay dadweynuhu ka barteen doorashooyinkii horay uga soo dhacay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kuwaas oo mar walba ay Baarlamaanka wax doorta dooranayeen hadba ninka ugu jeebka roon musharixiinta, mana muuqato tab illaa hada lagaga gudbayo arintan foosha xun halka ayba sii xoogaysanayso.

Waxaa ku xiga doona qoraal kale oo kaga hadli doono sida looga gudbi karo musuq-maasuqa iyo kala qaadashada laaluushka xiligan xasaasiga ah ee doorashada.

PUNTLNAD POST