AMISOM oo Booliiska Somalia ku Wareejisay Saldhig ay Dayactir ku Sameeyeen


Muqdisho (PP) ─
Taliska AMISOM ayaa saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga booliiska degmada Deyniile oo ay dayactir ku sameysay dowladda Japan oo kaashanaysa Waaxda Arrimaha Bulshada ee ciidanka Midowga Afrika.

Taliyaha booliiska AMISOM, Christine Alalo oo xafladdii lagu wareejinayay saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda ciidamada.

Sido kale, Christine Alalo ayaa sheegtay in AMISOM ay ka go’an tahay inay Tababarto, isla markaana qalabeyso Ciidamada Booliiska Somalia, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah inay daboolaan baahiyaha amni eek a jira dalka.

Waxaa saldhigan dayactirka lagu sameeyay lagu soo kordhiyay qaybo cusub waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, iyadoo ciidankana  loo qaybiyay 3,000 oo buug, si ay ugu adeegsadaan diiwaan-gelinta dacwadaha, sida ay sheegtay Mss Alalo.

Dhanka kale, Taliye kuxigeenka Booliska Somalia, Zakiya Hussein ayaa ugu mahad-celisay AMISOM dadaalkoodii ku aadanaa dayactirka saldhiggan iyo caawinta ciidamada booliiska Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhaweeyay saldhiggan dib loogu hir-geliayay deegaankooda, kaas ay sheegeen inuu ka shaqeyn doono amniga guud ee degmadooda.

Ugu dambeyn, Booliiska AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaasoo ka hawl-gala guud ahaan Gobollada dalka iyo Magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah qorshaha sugidda amniga guud ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST