Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya,Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay, in haddii Soomaaliya ay ka dhalato dowlad umaddu soo dooratay oo waxtarleh,ay Somaliland diyaar u tahay, in ay dib ula midowdo dalka intiisa kale.
Marwo Adna, waxay sheegtay in mar walba Somaliland u diyaarsantahay wada-hadallo ay la gasho Soomaaliya,laakiin dhinaca Koonfurta laga la’yahay cid si dhab ah u matasha oo Somaliland kala xaajoota arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac.
“Ciddii aad la hadli lahayd baa annaga naga maqan. Eretria iyo Ethiopia markay wada-hadlayeen,laba dowladood bay ahaayeen oo hadalka iska’dhegaysta. Annagu Soomaaliya cid aan la hadalnaba garan mayno. Gobolkeen la hadalnaa? Yaa matala Soomaaliya? Yaa af-hayeen u wada-ah? Yaa ka wada-mas’uul ah? Yay soo wakiisheen?” ayay tiri Adno oo wareysi gaar ah siisay VOA-da.
Sidoo kale waxay sheegtay in markii horeba midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ee labada gumaysi u kala xidhnaa uu ku yimid is-ixtiraam iyo walaalnimo Soomaalida dhexdeeda ah,balse dhibaatooyinkii dhacay ay sababeen in dalku uu kala go’o,haddiise wanaagii iyo walaalnimadii la soo cesho mar kale la midoobi karo.
PUNTLAND POST