Garoowe: Doorasho natiijadeeda la sii ogaaday

Doorashada kursi kamid ah aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Doorashada Kursigan oo uu iska’casilay xildhibaan,Dhahar Cali Faarax ayaa dib u dhac ku yimid,kadib markii sida la sheegay ay isku’qabsadeen laba jifiyood oo ka tirsan beesha Dubays ee Warsangeli,hase yeeshee waxaa khilaafkaasi lagu xalliyay kulan wadajir oo ay todobaadkii hore Garoowe ku yeesheen isimida labada dhinac iyo guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa laga shaaciyay in jifida Sinlaawe oo awal kursigan lahayd ay ku wareejisay jifida reer Guuleed oo ay ka wada-tirsan yihiin beesha Dubays ee Warsangeli,sidaasi darteedna la xalliyay murankii labada jifiyood,balse lama sheegin wax lagu qanciyay qoloda kursiga wareejisay.

Xubno ka soo jeeda jifida reer Guuleed oo uu ku jiro wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xassan ayaa maanta ku tartamaya kursiga,laakiin dad xog’ogaal ah ayaa aaminsan in xubinta uu wasiirku mar horeba gatay ee doorasho maqaar-saar ah loo qabanayo.

Madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay in ay kaalin weyn ka qaateen,sidii uu kursigaa ugu soo bixi lahaa wasiir Jamaal,si uu xukuumadda wax uga difaaco,haddii mooshin laga keeno.

PUNTLAND POST