Al-shabaab oo ku hanjabay weerarro ka dhan ah goobaha waxbarashada Muqdisho

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa uga digay dalladaha waxbarashada ka dhisan magaalada Muqdisho, in ay wax xiriir ah la sameeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya,haddii kalena ay tallaabo cad ka qaadayan.

Af-hayeenka malayshiyaadka Al-shabaab,Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere),ayaa sheegay in ay ka warhayaan,xiriirka ka dhexeeya qaar kamid ah dalladaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay tallaabo adag ka qaadayan ciddii aan ka waantoobin la shaqeynta dowladda.

Sidoo kale Cali Dheer wuxuu ku hanjabay in ay weerarro la beegsanayan,goobaha waxbarasho ee hoostaga dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in lagu barto manaahij ay soo diyaarisay hay’adda UNESCO.

Wuxuu intaas raaciyay in manaahijta waxbarasho ee hay’adda UNESCO diyaarisay ay xambaarsan yihiin afkaar gaalnimo ah oo lagu wasakhaynayo caqiiqada ubadka muslimka ah.

Hadalkan ayaa Cali Dheere ka jeediyay degmo kamid ah magaalada Muqdisho oo ay malayshiyaadka Al-shabaab ka qeybinayeen wax ay ugu yeedheen”sakawaadka“,sida lagu daabacay mareegaha taageera.

PUNTLAND POST