Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa shir isu’gu yeertay suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland,gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Garoowe.
Qoraal ka soo baxay,Xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taariikhaysan 6 bishan October ee ku beegan Sabtida maanta ah, ayaa lagu wargeliyay suxufiyiinta in ay soo xaadiran shirka ay iclaamisay wasaaraddu,balse qoraalka laguma xusin ajandaha shirkaasi.
“Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan weriyaasha ka hawlgala degaannada Puntland gaar ahaan caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, in ay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in shirka lagu qabanayo xarunta wasaaradda Warfaafinta ee Garoowe,maalinta berri ah oo ku beegan,Axad 7 October 2018,saacaddu marka ay tahay 9:00am subaxnimo.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.