Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, Hawlaha guud, Beeraha, Xannaanada xoolaha iyo Ganacsiga.

Khayre ayaa xarumaha Wasaaradaha uu booqday kulammo kula qaatay Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada, wuxuuna wasiir waliba ka waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo wixii ka hir-galay.

Sidoo kale, Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee DF, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa bilooyin ka hor sidaan oo kale u booqday qaar ka midah wasaaradaha xukuumadda, isagoo wareysiyo kala duwan la yeeshay hawl-wadeennada waasaradahaas, taasoo keentay in laga eryo shaqooyin xubno muhiim ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan golaha baarlamaanka Somalia ay su’aalo badan ka keeneen habka shaqo ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Somalia, isla markaana u yeeray qaar  ka mid ah wasiiradda xukuumadda Khayre.

PUNTLAND POST