Koox la baxday Al-shabaab oo ku dhawaad 100-qof ku dishay Waddan ku yaalla Afrika

Maputo (PP) ─ Koox la magac-baxday Al-shabaab ayaa 90-qof ku dishay dalka Mozambique oo ka mid ah dalalka Afrika, kaddib markii ay weerareen dhawr goobood oo muhiim ah, sidoo kalena waxay gubeen guryo ay shacab ku noolaayeen.

Taliyaha Booliiska dalka Mozambique, Bernadino Rafael oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxdan ay dishay 90-qof, sidoo kalena ay dhaawac u geysteen 70-qof oo kale tan iyo markii ururkan sannadkii lasoo dhaafay ka bilaabay dalkaas weerarro arxan-darro ah.

Kooxdan ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, waxayna weerar ku qaadeen tuulooyinka iyagoo ku hubeysna mindiyo ay u adeegsanayeen qoor-goynta dadka tuulooyinkaas ku nool.

Sidoo kale, kooxdan la magia-baxday Al-shabaab ayaa gubay in ka badan 1000 guri, waxay weerareen xarumo boolis oo dalkaas ku yaalla, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ay u geysteen.

Dhanka kale, kooxdan Islaamiga ah ee weerarada ka wadda Mozambique ayaan la ogeyn inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo kooxdan ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka dalkaas ku nool.

Ugu dabeyn, Sannadhii laso dhaafay ururro Islaamiyiin ah oo Al-qaacida xiriir la leh ayaa ka billaabay dagaallo, kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya illaa Tanzaaniya.

PUNTLAND POST