Dowladda Fedeeraalka oo u ogolaatay Dal Carbeed inuu dhoofsado duur-joogta Dalka

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa u ogolaatay safaaradda dalka Qatar ee fadhigeeda yahay Muqdisho inay ka dhoofsan karto Soomaaliya duur-joogta, gaar ahaan sagaarada.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixnaa agaasimaheeda guud Maxamed Cumar Nuur, ayaa lagu sheegay duur-joogta ay dhoofsaneyso safaaradda Qatar ay gaarayso 14 sagaaro, kuwaa soo caafimaadkooda la hubiyay.

Sidoo kale, Sagaarada ayaa ka mid ah duur-joogta ugu caansan ee laga helo Soomaaliya, sida aadka ahna loo ugaarsado, isla markaana hilibkeeda si aad ah ay dadku u jecel yihiin.

Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay ku dhawaaqdo Xukuumadda Soomaaliya, waxaana tani ay furaysaa waddooyin hor leh oo lagu dhoofsan karo duur-joogtada Soomaaliya oo markeedii horeba isaga barakacday dalka, kaddi dagaalladii rubuc qarniga socday.

Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ay isugu dhaw yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dalkaas uu horay Soomaaliya uga dhoofsaday kumannaan dhallinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhigayo ciidammo.

Haddaba, Akhriso: qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DF

PUNTLAND POST