Beesha Siwaakhroon oo Bosaso ku qabatay kulan ay uga tashanayso xubnaha uga mid noqonaya Barlamaanka Puntland 2019

Bosaso[Puntland Post]-Shir si heer sare ah loosoo qaban-qaabiyey ayaa maanta uga furmay Hotel Buutaan ee magaalada Bosaso;  dhaqanka, culimadda, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo  waxgrad-ka beelaha xuseen Talareer(Siwaakhroon).

Shirkaan  ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin(Beeldaaje Calbari), Shirkaan ayaa ujeedadiisu aheyd katashiga iyo meelmarinta xubnaha Golaha Shacabka Puntland -2019, u meteli doona beesha siwaakhroon.

Furintaankii shirka ayaa Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin u sheegay guurtidii iyo waxgaradkii beesha siwaakhroon in ujeedada shirkaani tahay in ismada iyo waxgrad-ka beeshu si mug leh uga tashadaan soo xulidda xubnaha beesha uga mid noqonaya Golaha Shacabka Puntlanad 2019,

beeldaajaha ayaa dardaaran dheer u jeediyey  isimada iyo wax-gradka shirka in ay soo xulaan xubno ku sifoobay xilkasnimo, aqoon iyo hufnaan isla markaan loo tixgeliyey wax-qeybsiga beesha dhexdeeda. Waxa sidoo kale beeldaajuhu sheegay in cidda howshaani  u taalo ay tahay nabadoonada iyo wax-gradka isna uu la ogaanayo waxa ay ku heshiiyaan.

Shirkaan ayaa ahaa mid ay beeshu mudo sugeysay ayna ku dhammaayeen nabadoonadda iyo wax-garadka beesha oo isaga kala yimi dhammaan deeganada beeshu degto ee Gobolada gardafuu, bari iyo sanaag.

Shirkaan oo laqorshayey in uu soo afmeermo maalmaha foodda inagu soo haya ayaa waxaa lagu lafa guridoonaa hoshaan iyo howlo kale oo beesha u yaala.

Sidaas iyo Warsan