Shir ballaaran oo looga hadlayay Horumarinta iyo Amniga Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa galabta ka qabsoomay Magaalada Garowe.
Shirkaan waxaa goob joog ahaa Wasiirada, Caafimaadka, Kua xigeenka Arimaha gudaha, Warfaafinta, Maamulka degmada Garowe, kan golka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Nabadoono Aqoonyahano iyo Waxgarad kale.
Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ayaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray horumarinta magaalada iyo amniga oo la xoojiyo.
dhinaca kale shirka waxaa lagu soo bandhigay Sanduuq cusub oo horumarineed oo Caasimaddu yeelanayso ,kaasoo dhammaan ka soo qaybgalayaashu ay soo dhaweeyeen, isla markaana ah mid la doonayo in dadweynuhu ka qayb qaataan oo dhaqaalo ku ridaan,si uu qayb uga noqdo horumarka la hiigsanayo.
Guddoomiyaha gobolka Nugal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo khudbad ka jeedinayay shir wadatashi ah oo looga hadlayay Horumarka iyo Amniga Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay in shirkaan u jeedkiisu yahay Amniga guud ee gobolka Nugaal, gaar ahaana Caasimadda.
“Waa midda ugu horaysee inaan wax iska waydiino sidaan amniga gobolka gacan bir ah ugu qaban lahayn, gaar ahaan caasimadda, oo caasumaddu u noqon lahayd magaalo leh, magaamkii caasimadeed, magaalo nabdoon, oo lagu soo hirto, oo Soomali iyo ajnabi ay soo booqdaan, ku noolaadaan, ka shaqaystaan, maal gashadaan, oo noqoto meel mudan in lagu noolaado, la maalgaashado, loo dalxiis tago oo lagu nasto” ayuu yiri Gu’jir.
“Waa midda labaad sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka gobolka siiba kan caasimadda dhinac kasta. (sida Ilbaxnimada, bilicda iyo wixii lamid ah.Waa midda Sadexaade sidaynu u wada shaqayn lahayn dhammaanteen, isu kaashan lahayn, waayo haddaan wada jirno, iskaashano oo aan wada tashano wax badan ayaan qabsan karnaa” ayuu raaciyay guddoomiyuhu
Gudddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay inay ka go’antahay in 30-ka maalmood ee socda shaqo lagu diirsado ay qabtaan gobolka Nugaal, isla markaana dadweynaha gobolka ugu baahanyihiin inay garab siiyaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.