Gudoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo aqbalay Mooshin laga soo gudbiyay Waare

Gudoonka Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow oo caawa ah aqbalay mooshin laga soo gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Shiikh Cismaan Barre ayaa aqbalay caawa in mooshinkaasi cod loo qaado.

In ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa soo gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Hirshabelle ahna gudoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga maamul goboleedyada.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho