Wararka naga soo gaaray gobolka Gal-Gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in caruur ay u geeriyoodeen miino ay ku ciyaarayeen.
Falkaasi naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Bali-cad oo oo in ka badan 10- km dhinaca Waqooyi kaga beegan deegaanka Dhabbad ee Gobolkaasi Galgaduud.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 2 caruur ah xili ay gar gaaraaceen Miinadaasi oo kamid aheyd haraadiga waxyaabo qarxa oo ka haray dagaaladii soo maray Gobolkaasi.
Caruurtaan geeriyooday ayaawaxa lagu kala magacaabi jiray Farxiya Maxamuud Mire 15 iyo Shaafici Maxamuud Mire 14-Jir.
Dhowr jeer Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin ceenkaan oo kale kadib markii caruur da’yar ay gar garaacaan Miino kadibna ay ku qaraxdo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post