Shirkii Golaha Wasiirada Soomaliya oo loga hadlay Qabyo tirka Dastuurka.

Muqdisho[Puntland Post]-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta oo khamiis ah kaga doodeen qodobada ay ka mid yihiin qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda, iyo Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda arrimaha dastuurka ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka, islamarkaana dalka uu u helo dastuur dhammays-tiran.

Hoos ka daawo warmurtiyeedka shirka golaha wasiirada soomaliya

Cabdiqani Boos 

Puntland Post