Mukhtaar Roobow Cali(Abu-mansuur) oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka iyo af-hayeenka Al-shabaab ayaa maanta ku dhawaaqay in uu sharraxanyahay xilka madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Roobow oo saaka ka soo kicitimay caasimadda Muqdisho ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo halkaasi ka shaaciyay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo mudda kooban ka hartay.
Abu-masnuur wuxuu Musharraxnimadiisa ku tilmaamay mid ka dhalatay codsiyo badan oo uga yimid bulshada ka soo jeedda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay.
Ninkan oo sannado badan ka tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana ka soo mid noqday hoggaanka sare ee ururkaasi,ayaa dowladda Soomaaliya isu-soo dhiibay bishii Agoosto ee sannadkii 2017,kadib markii Maraykanku ka saaray liiska argagixisada,islamarkaana uu la noqday lacag dhan $5 malyan dollar oo madaxiisa lagu raadinayay.
Khilaaf ba’an oo kala dhex galay hoggaanka sare ee Al-shabaab ayaa sababay in Abu-mansuur uu ka baxo ururka,isagoo in mudda ahna duurka ku jiray,ka hor inta uusan isu-dhiibin dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana jiray dagaallo ku dhex maray isaga iyo malayshiyaadkii uu ka goostay degaanno ka tirsan gobolka Bakool.
Qaar kamid ah dadka la socda siyaasadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed,ayaa aaminsan in Abu-mansuur ku guulaysan karo doorashada madaxtinimada maamulkaas ee bisha soo socota la qaban doono,haddii uu barnaamij siyaasadeed oo gadmi kara soo bandhigo.
PUNTLAND POST