Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta la Kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay maanta Ergayga Cusub ee Xog-hahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada-hadlay wada-shaqaynta iyo dar-dar-gelinta Qorshayaasha Qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxaan rajaynayaa inaan wadajir uga shaqayno qorshayaasha Qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Sidoo kale, Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom u soo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, wuxuuna beddelay ergaygii hore, Michael Keating oo Dalka ka howl-galayay laga soo billaabo 2016-ka.

Ugu dambeyn, Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla hawlo badan oo ay ka mid yihiin; dhameynta muranka u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe o gaaray heer aad u xun.

PUNTLAND POST