Duqa Muqdisho oo Shaqada ka joojiay mid ka mid ah La-taliyeyaashiisa Gaarka ah

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Cismaan [Yariisow] ayaa qoraalka soo baxay xafiiskiisa uga joojiyay xilka la-taliyihiisa arrimaha Saxaafadda, Shadoor Xaaji Maxamuud.

Qoraalka shaqo-jojinta ah ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay, waxaana la-taliyahan uu muddo lasoo shaqeynayay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow].

Sidoo kale, Shadoor Xaaji ayaa hore u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Xarunta Madaxtooyada xilligii uu Madaxweynaha ahaa Xasan Sh. Maxamuud, iyadoo xilligaas ay saaxiibbo aad isugu dhaw ahaayeen Guddoomiye Yariisow oo ka mid ahaa la-taliyeyaasha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dhanka kale, shaqo-joojintan ayaa kusoo beegantay xilli maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabad looga dhawaaqay xisbiga cusub ee mucaaradka ah oo uu horboodayo Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia.

Ugu dambeyn, Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Shadoor Xaaji sababta xilka looga joojiyay ay tahay inuu ka qayb-galay ku dhawaaqista xisbiga cusub ee UPD, kaasoo uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, iyadoo la sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay ka dalbadeen Eng. Yariisow inuu shaqada ka joojiyo Shadoor Xaaji Shadoor.

Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Eng. Yariisow

PUNTLAND POST