Soomaaliya oo saxiixday qaraarka Qaramada Midoobay ee Naafada

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday qaraarka kamid noqoshada Qaramada Midoobay ee dhowris xuquuqda naafada.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii shalay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ku saxiixday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista xuquuqda naafada.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa 28, June 2018 ansixisay hindise sharciyeedka hay’adaha dadka naafada ah oo Golaha wasiiraadda horkeentay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii 178-aad ee saxiixa xeerka dhowraya xuquuqda naafada, iyadoo dad badan oo naafo ah oo dalka jooga ay u baahan yihiin daryeel.

PUNTLAND POST