Shaqadii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta hakad ku jirta

Waxaa maanta hakad ku jira shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha haga diyaaradaha markii ay soo dagaan ee loo yaqaano Marshall.

Waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay shaqaalahaasi haga diyaaradaha iyo shirkada Favori ee laga leeyahay Turkiga ee maamusho garoonka Muqdisho.

Shaqaalaha ayaa ka biyo diiday shaqo joojin lagu sameeyay mid kamid ah shaqaalahaasi Marshall-ka loo yaqaano ee diyaaradaha haga.

Dhamaan shaqaalaha ayaa go’aansaday in ay shaqada joojiyaan maanta oo Arbaco ah inta laga xalinayo khilaafkaasi.

Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin arintaasi hayeeshee waxaa socdo dadaalo lagu xalinayo khilaafkaasi oo ay wado wasaarada duulista hawada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho