Puntland:- Cumar Faraweyne oo Taliye loo magacaabay

Cumar Cabdullaahi Faraweyne

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa loo magacaabay xil cusb oo taliyenimo

Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne loogu magacaabay Taliyaha ciidanka kaydka Puntland.

Ciidamada keydka ayaa ah ciidamo beelaha Puntland keeneen oo boqolaal kamid ah ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka jirto colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo mar soo noqday Taliyha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Gaas Guddoomiyaha gobolka Nugaal ka qaaday 24-kii bishii hore ee September.

Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii u dambeeyay magacaabay Taliyeyaal ku cusub Puntland oo ay kamid yihiin Taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka, Taliyaha Xasilinta Nugaal iyo Taliyaha ciidamada keydka.

Hoos ka akhriso digreetada

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
  2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

PUNTLAND POST