Kalsoonida ay shacabku ku qabeen Dowladda Soomaaliya oo si aad ah hoos ugu dhacday

Muqdisho (PP) ─ Cilmi-baaris ay si Wadajir ah u sameeyeen Hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS, ayaa muujineysa in xilligaan uu jiro hoos dhac ku yimid kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabeen Hay’adaha Dowladdu Federaalka Soomaaliay, marka loo eego sannadkii hore ee 2017-kii.

Cilmi-baarista ayaa muujisay in Dowladdu Federaalka ah ay ku taagan tahay dhabbihii Dowladnimada, balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay, sida madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Garsoorka iyo Baarlamaanka.

Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa, C/risaaq Aadan Maxmaed ayaa ku sheegay cilmi-baritsan inay xoogga ku saareen arrimaha ugu muhiimsan sida Amniga, Garsoorka iyo Kalsoonida Shacabku ay ku qabaan dowladda.

Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa ayaa wuxuu sheegay ujeedada ay arrintan u sameeyeen inay tahay sidii ay u dhiiragelin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu xusay shan bilood kaddib markii la doortay madaxweyne  Maxamed C/laahi Farmaajo inay sameeyeen cilmi-baaris xilligaana uu helay kalsooni badan, laakiinse markan ay hoos uga dhacday 19% cilmi-baaristii sannadkii hore, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in kalsoonida ay ku qabaan shacabka hoos uga dhacday 21%.

Golaha wasiirada ayuu sheegay in dhankooda ay hoos u dhacday kalsoonida ay ku qabaan shacabka 37%, taasoo uu ku sabeeyay inta badan inaan lala socon shaqadooda.

Kalsoonida shacabka ay ku qabaan in dowladda ay wax ka ammaanka Muqdisho ayaa waxaa lagu qiyaasay inay tahay 3%5, waxaana shacabka saameyn ku yeelatay qaraxii 14-kii Oktoobar, weerarada xarumaha DFS iyo dilalka magaalada ka dhaca.

Dhanka shacabka ayaa Dowladda ku kalsoon in ay wax ka qabaneyso arrimaha dhaqaalaha 62%, halka kalsoonida lagu qabo Cadaaladda in dowladda wax ka qabato ay tahay 49%.

Ugu dambeyn, Cilmi-baaristan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS, ayaa waxaa ka qayb-galay xubno kala matalayay Dowladda Somalia iyo mucaaradka oo labadooda dhinac eedeeyay qaabka loo soo bandhigay cilmi-baaristan.

PUNTLAND POST