6 Qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Koonfurta Gobalka Mudug

Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST saaka ka helayso deegaanka Gawaan oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in waaberigii uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey shilkaas waxaa ku dhintay Lix ruux, halka dad kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey mid kamid ah isbitaalada ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee xarnuta Gobolka Mudug.

Shilkan ayaa sababta keentay  lagu sheegay in wadooyinka qaar ee gobolka mudug ay haatan yihiin kuwo burbursan, iyada oo dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay ay u gurmadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Koonfurta gobolka Mudug.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post