Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goordhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Maqalka qaraxa ayaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay aargada degmada Deyniile oo ku dhow xarunta wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in qaraxaasi bartilmaameedkiisu uu ahaa ciidamo la sheegay in yihiin Talyaani oo halkaasi marayay.

Qaraxa ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo goobtaasi marayay sida ay goobjoogayaal Puntland Post u xaqiijiyeen

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho