Qaramada Midoobay oo la Weydiistay in Cunna-qabteynta Hubka laga Qaado Eritrea

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, ayaa markale codsatay in cunna-qabateynta hubka laga qaado dowladda Eritrea si loo gaaro xasiliooni dhinaca gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tegay dalka Eritrea wuxuu codsaday in cunna-qabateynta hubka laga qaado, balse waxaa hadalkaas ka carootay Dowladda Jabuuti, inkastoo markii dambe madaxweynuhu uu arrintaas kala hadlay madaxda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ka jeediyay khudbad ayaa dalbaday in cunna-qabateynta laga qaado Eritrea.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay muhiim tahay in cunna-qabateynta laga qaado Dalka Eritrea si loo gaaro Gobolka Geeska Afrika oo xasilloon.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo isagana shirka Qaramada Midoobay ka qayb-galaya ayaan ka hadlin weli saameynta ay uu dalkiisa ku yeelan karo hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Somalia ee ku aaddan cunna-qabateynta hubka ee saaran Eritrea.

Ugu dambeyn, Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti ayaa dhawr sanadood waxaa u dhexeeyay dagaal, laakiinse dadaalo badan oo la sameeyay lagu guuleystay in la xaliyo colaaddaas, inkastoo aysan jirin heshiis ay kala saxiixdeen.

PUNTLAND POST