Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Aargada degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir oo ku dhow xarunta wasaarada Gaashaandhiga.
Qaraxa ayaa waxaa la la eegtay kolonyo gaadiidka ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho oo xiligaasi ku safarayay wadada Warshada.
Qaraxaasi ayaa waxaa qasaare ka soo gaaray dad rayid ahaa oo goobtaasi marayay sida goobjoogayaashu ay xaqiijiyeen.
Ciidamada la qarxiyay ayaa ka soo baxay xarunta wasaarada Gaashaandhiga oo ay tababaro iyo caawin dhanka ciidanka ah ay ku siiyaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Wali laamaha amniga dowlada Soomaaliya kama hadlin qarixii ka dhacay maanta Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay.
Hoos ka Daawo Sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.