Maxay u baaqatay doorasho kursi Xildhibaan oo ka dhici la ahayd Garowe?

Doorasho boos buuxin kursi ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland oo maanta dhici lahayd ayaa qabsoomin, iyadoo aan la sheegin sababta.

Wa-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka 20-kii bishan September ayaa lagu sheegay in la qabanayo doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka oo  6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax (Dhahar).

Guddiga ayaa faray oday dhaqameedkii ku jiray liiska 135-ta oday ee kursigan banaanaaday matala inuu soo guddiyo liiska 51 Ergo ee dooran lahayd kursigan muddo 7 cisho gudahood, iyagoo ku wargeliyay musharaxiinta u tartameysa inay isa soo diiwaan geliyaan inta u dhaxeysa 22-ka ilaa iyo 29 bishan September 2018.

Sida qorshu ahaa maanta oo bishu tahay 30 September 2018 ayay ku beegan tahay xiligii ay dhici la hayd doorashada kursigaas, iyadoo ay soo baxayaan sababaha baajiyay dooraashadaas.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka war-saxaafadeedkiisii wuxuu ku sheegay in doorashada korsigaasi ka dhacayso Muqdisho, balse sida sharcigaa ayaa ah in kursiga la bedelo dib looga soo doorto deegaankii horey looga soo doortay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan Xildhibaankii ugu horeyay oo is casilay Cabdiqaadir Gaafow oo horey looga soo doortay Galmududg ay doorashada kursigaasi ka dhacday Dhuusa-mareeb uuna ku guuleystay walaalkiis ka weyn Cabdulaahi Gaafow.

Warar ay heshay PUNTLAND POST, ayaa sheegaya in Puntland ku dooday in kursigan doorshadiisa lagu qabto magaalada Garowe oo horey looga doortay Xildhibaankii is casilay Daahir Cali Faarax (Dhahar), iyadoo uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya Federaalka iyo Puntland.

Sidoo kale odayaal kamid ah beesha leh kursiga oo maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay Garowe ay ka hor yimid doorashadaas oo ay sheegeen in dowlada federaalka wado  musuqmaasuq ay doonasyo in ay qof kula soo baxdo.

Xubnaha kursigan u tartamaya waxaa kamid ah Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, oo ay Xildhibaanka is casilay isku beel yihiin, la sheegayna in ay ku heshiiyeen inuu u baneeyo kursigan, halka Dhahar-na loo magacaabay qunsulka Soomaaliya u dhafiya dalka Jubuuti.

Madaxweyne farmaajo, Wasiir Jamaal, Dhahar iyo odayaal dhaqameed

Jamaal Maxamed Xasan ayaa kamid ah Wasiirada ugu firfircoon Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Faramaajo iyo Kheyre qorsheeyeen in uu kamid noqdo Golaha sharci dajinta oo ah kuwa la xisaab-tama Golaha fulinta.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin sababta ay u dhici-weyday doorashada kursigan oo ay horey loo sheeciyay.

PUNTLAND POST