Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid DHeere oo xal ka gaaray arrin ay isku khilaaf sanaayeen

Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee ciidamada Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa is fahan ka gaaray khilaaf muddooyinkii dambe ka dhexeeyay oo la xiriiiray xaalada gobolka Sool, sida ay ogaatay PUNTLAND POST.

Muddooyinkii dambe waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Gen. Siciid  Dheere, kaas oo salka ku yahay xaalada gobolka Sool iyo ciidamada mudada dheer heeganka ku jira ee fadhiya Tukaraq oo ay ku jiraan kuwo ay soo u ruuriyeen qabaa’ilada Puntland markii dowladdu ka codsatay taageero.

Sida ay ogaatay PUNTLAND POST Gen. Siciid Dheere ayaa ogaysiiyay madaxweyne Gaas in tuusan aadin safarkii Sanaag in uu ka tagayo xilka taliyenimo, isagoo ku sababeeyay in ku jiro han siyaasdeed oo ah in uu u tartami doono doorashada madaxtinimada Puntland 2019, basle MadaxweGaas oo mudadii dheerayd oo ciidamadu fadhiyeen Tukaraq aan amar dagaal siin ay ka hor yimid arrintaas, isagoo ka codsaday in uu xilka sii hayo sida uu sheegay inta uu xoreynayo magaalada Laascaano oo muddo 12 sano ah ka maqnayd gacanta Puntland.

Gen. Siciid Dheere ayaa u arkayay in xiligan kala guurka ah aysan macquul ahayn in Puntland dagaal la gasho Somaliland, Madaxweyne Gaas-na uu lumiyay fursad uu ku xoreyn-karay gobolka Sool.

Arrintan oo Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere ay muddo isku diidanaayeen, waxaa markii dambe soo dhexgalay isimo ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Garaase, kuwaas oo kulan ay la qaateen u kala dab qaaday.

Sareeyo guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay in uu xilka siihayo, halka Madaxweyne Gaas uu isku xiray shuruud ah in dhawaan uu bixin doono amar ah dagaal lagu qabanayo Laascaanood, isagoo sida la sheegay qabsaday muddo 45 cisho ka yar.

Sida dastuurku qabo Madaxweynaha Puntland ayaa ah Taliyaha guud ee ciidamad,  balse Gen. Siciid Dheere ayaa si hab-maamuus ah ugu magacaaban xilkaas tan iyo 2009, markaas oo uu ka degay taliya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Gen. Siciid Dheere oo ah khabiir dagaal, guulo waaweyna ka soo hoyiyay dagaalo badan oo uu hogaamiye ka ahaa tan iyo intuu ciidamada ku jiray, ayaa Madaxweyne Gaas u arkaa in haddii uusan wadan guul ka gaari-karin dagaal uu la galo Somaliland.

Gen. Siciid Dheere- Galgala

Gen. Siciid Dheere ayaa mudada aan kor ku soo sheegnay kadib ka tegi doona xilka uu hayo, wuxuuna ku dhawaaqi doonaa in uu yahay Musharax u tartamaya doorashada Puntland ee Janaayo 2019 ,halka Madaxweyne Gaas uu magacaabi doono Taliye cususb, haddii uu ku guuleysto qorshihiisa Sool iyo haddii kalaba.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo xil-hayntiisa ay ka dhiman tahay wax ka yar boqol maalmood ayaa hadda qorshihiisa kowaad ka dhigaya dagaal uu la galo Somaliland, taas oo sababi karta in doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyaay Janaayo 2019 ay dib dhacdo.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa tan iyo 8-dii Janaayo 2018, ka aloos-nayd colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, kadib markii Somaliland soo weerartay tuulada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland.

PUNTLAND POST