Gabar ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay gabar ardayad aheyd.

Allaha u naxariistee Caa’isho Cali Saney oo aheyd 14 jir ayaa dhiganeysay mid kamid ah iskuuladda ku yaalo Muqdisho.

Gabadhan ayaa xiliga la dilayay waxa ay ka soo baxday iskuulka ay dhiganeysay oo ku yaala agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir.

Hooyada dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye oo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in aanay garaneynin sababta gabadheeda loo dilay.

Hooyada ayaa sheegtay in kooxda dishay gabadheeda ay muddo ku murmayeen dilkeeda iyaga oo ugu dambeyntiina dilay.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda dilka geystay ay ahaayeen burcad gabadha dhimnatay Mobile-ka ka qaadanayay.

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho