Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxa ay ku yeelanayaan kulan ay kaga hadlayaan xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa soo waday kadoodista xeer-hoosaadka Baarlamaanka muddo ku dhow isbuuc.
Siyaasiin iyo Xildhibaano ayaa sheegay in xildhibaanada lagu mashquulinayo ka doodista xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Wixii ka dambeeyay doodii xasaasiga aheyd oo ay yeesheen Baarlamaanka islamarkaasina looga hadlayay arimaha amniga ayeey arintu u muuqataa in gudoonka Baarlamaanka uu u weeciyay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Arbacadii la soo dhaafay waxaa kooram la’aan u baaqday fadhigii Baarlamaanka kadib markii xildhibaano farabadan ay ka maqnaayeen fadhigii Baarlamaanka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho