Qalbi-dhagax oo u mahad celiyey shacabka Bosaso

Bosaso-Puntland Post] Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland, Nabadoono iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF.

Markii uu soo gaaray Boosaaso ayuu Cabdikariin Qalbi-dhagax la hadlay dadkii soo dhaweeyay, isagoona sheegay in Boosaaso uu u yimid sidii uu ula kulmi lahaa dadkii ka xumaa xirigiisii,  waxaana sida kale uu ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso