Qalbi Dhagax oo hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso.

Bosaso-[Puntland Post]-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso.

Soo dhaweyntiisa ayaa si weyn waxa uga qeyb qaadanaya shacabka Bosaso iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Socdaalka uu ku Marayo degaanada Soomalida C/kariin Qalbi-dhagax ayaa ka soo bilowday Soomaliland waxaana u jeedkiisu yahay sida uu isagu sheegay mid uu shacabka soomaliyeed uga mahadcelinayo sidii ay uga xumaayeen markii lagu xiray dalka itoobiya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso