QALBI-DHAGAX: Ma doonayo in aan la Kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya


Hargeysa (PP) ─
Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo xilligan ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Qalbi-dhagax oo u warramayay BBC-da lana weydiiyay inuu Muqdisho tegi doono ayaa sheegay in xilligaan uusan tagayn Muqdisho, wuxuuse xusay in ay wanaagsanaan lahayd inuu la kulmo shacabkii Soomaaliyeed ee markii loo gacan-geliyay Itoobiya sida weyn uga dhiidhiciyay, basle uusan doonayn inuu la kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Somalia.

“Waxaan doonayaan safarkeygan Hargeysa kaddib inaan booqdo Boosaaso oo ka tirsan Puntland, halkaasoo aan kula kulmi doono madaxda maamulka, sidoo kalena waxaan booqanayaa maamulka Galmudug,” ayuu Wareysigiisa ku yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale, Wuxuu aad uga meer-meeray inuu sheego xilliga uu Muqdisho booqanayo, wuxuuse ku adkeystay inuu xilliga ku habboon booqanayo, balse uusan xilligan sheegi karin xilliga ay noqonayso.

“Muqdisho waxaa ku sugan shacab i dareensiiyay wanaagga ay ii hayaan, waxayna ahayd inaan booqdo oo aan la kulmo, balse ma doonayo inaan wax kulan ah la yeesho qolyaha maamulka haya,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

C/kariin Qalbi-dhagax ayaa waxaa dowladda Itoobiya ku wareejiyay Dowladda Federaalka Somalia, kaddib markii laga soo qabtay Magaalada Gaalkacyo, waxaana xabsiga kasii daayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahemd, oo uu sheegay inuu aad ugu mahad-celinayo.

Mar la weydiiyay waxa iska bedelay mowqifkiisii ahaa in deegaannada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya la xoreeyo, wuxuuna sheegay in mowqifkisaas uusan waxba iska bedelin, isla markaana uu doonayo inuu wixii xilligaan ka dambeeya uu ka shaqeeyo nabadeynta guud ahaan Dhulalka Soomaalida.

Ugu dambeyn, Qalbi-dhagax ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu isagu mas’uul ka ahaa dhibaatooyin ay jabhadda ONLE ka geysatay deegaannada Somaliland, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid uusan waxba ka ogeyn.

PUNTLAND POST