Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay deynta uu caalamku ku leeyahay

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Lacagaha lagu leeyahay Somalia oo gaaraya sida uu sheegay $4.5 bilyan [Afar bilyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah].

Bayle oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay Dowlado dhowr ah u yimaadeen una sheegeen in Somalia ay ku leeyihiin lacago deymo ah, balse ay u sheegeen inay la yimaadaan caddaymo muujinaya saxiixyadii Dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay burbur, isla markaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay inay Waddamadaas Qaarkood ku guul-darraysteen inay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taasoo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa afar bilyan iyo bar doollar, halka ay markii hore ka ahayd shan bilyan Bilyan iyo bar.

Madaxda Dowladda Somalia ayuu sheegay inay ka go’an tahay hagaajinta maamulka maaliyada si caalamku u aamino Somalia loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Dhanka kale, Wada-hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro bisha may ee sanadka soo socda 2019-ka, taasoo qayb ka noqonaysa dadaallada ay dowladdu ku doonayso in Somalia ay ku noqoto wadda aan dameyno lagu lahayn.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa hagaajinta maamulka maaliyadda dalka oo sida uu sheegay wasiirka Maaliyadad ku xiran hormar la gaaro.

Haddaba DHAGEYSO: Codka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya;

PUNTLAND POST