Xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo la codsaday in dib loo furo

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shir lagaga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar-goynta xanuunnada faafa ee deegaannada ku yaalla Soohdinnada ay wadaagan Kenya iyo Somalia.

Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland, ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahaayeen badqabka dadka ku nool deegaanada xuduudda.

Sidoo kale, Waxaa warbixinta lagu sheegay in mashruucan uu hoos-tagayo Dowlad-goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland, waxaana kor ka maamulaya Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xusay inay muhiim tahay is-kaashiga dhinacyada Nabad-galyada caafimaadka iyo xiriirka bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal, dhammaan Hay’adaha mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay, isagoo sheegay inay tahay shaqo xilligeeda kusoo aadday.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa mahadcelin u jeediyay Dowlada Kenya oo garab is-taagtay shacbaka Gobolka si gaar ah wuxuu ammaanay ciidanka qaybta ka ah AMISOM ee Kenya sida ay dadaalka ugu bixiyaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab oo weli dhibaato ku haysa shacabka Somalia iyo kuwa Kenya.

Ugu dambeyn, Bulshooyinka Xuduudaha ku nool ayuu xusay in dano badan ay ka dhexeeyaan, sidaas awgeedna Dowladda Kenya ayuu ka codsaday in ay dib u furto waqti dhow xuduudka si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan.

PUNTLAND POST