Midowga Yurub oo shaaciyay inuu Soomaaliya ku taageerayo malaayiin EURO

Muqdisho (PP) ─ Ururka Midowga Yurub ayaa Ansixiyay Hawl-galkiisii ​​ugu horreeyay ee taageerada Miisaaniyadeed ee uu siinayo Soomaaliya si loogu horumariyo hawlaha ka socda Dalka.

Dhaqaalahan deeqda ah ayaa gaaraya 100-Milyan oo Euro oo laga dhigi doono sadexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018-ka illaa 2021-ka, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

Hir-gelinta ayaa waxay bilaaban doontaa bishan Oktoobar ee sanadkan lagu jiro, kaddib marka la helo heshiis loo dhan yahay, kaasoo awood u siinaya taageero tayo wayn leh oo ay helaan Dowladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka, yaraynta khatarta iyo xaqiijinta hanti-dhawrka iyo sidoo kale tilmaamayaasha waxqabadka si loo dhiirigeliyo dib-u-habeyn lagu sameenayo dhinacyada dhaqaalaha bulshada Maamulka, xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo howlaha kale.

Mashruucan taageerada miisaaniyada ayaa sidoo kale loogu yeeray heshiiska Dawlad-goboleedyada iyo awoodda si deg-deg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Somalia. Midowga Yurub ayaa sheegay inuu hirgasnayo inuu taageero Federaalnimada Somalia, iyadoo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah.

Sidoo kale, Meel-marinta barnaamijka Taageerada miisaaniyadeed ee Dalka Somalia ayaa qayb ka ah jawaab balaaran oo caalami ah oo ku saabsan hanaanka dowlad wanaaga iyo dib-u-habeeynta iyo fulinta siyaasadeed ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo maalin ka dib markii Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan mudo 30 sano ah, oo u dhiganta $ 80 Milyan, iyada oo la raacayo qiimayn ku-meel-gaar ah ee IMF ee Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha (SMP).

Dhanka kale, Jawaabtan wadajirka ah ee beesha caalamka ayaa u ah fursadaha cusub ee dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qaranka ee Soomaaliya, waxay gacan wayn ka geysan doontaa kor u qaadida heerarka sareeya ee maamulka iyo la xisaabtanka Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waxay sidoo kale gacan wayn ka geysan doontaa sii xoojinta kalsoonida caalamiga ah ee Dowladda Federaalka iyadoo loo eegayo dhisida dib u habeynta xoogan ee loogu talagalay Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah ee ka yaraynta deemaha lacagaha ee wadamada aan dhaqaalaha haysan ee saboolka ah.

Ugu dambeyn, Midowga Yurub, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn Somalia, waxaa ka go’an ah inuu taageero waddanka si uu u gaaro himilooyinka horumarineed ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka, tani waxay la socotaa qaabaynta dhaqaalaha iyo ka dhaafida deynta waxay dalka u horseedi kartaa marxalad cusub oo barwaaqo ah.

PUNTLAND POST