Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmaya Guddiga Difaaca Baarlamaanka

Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan dhexmarayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo dhamaan taliyaasha ciidamada iyo guddiga Difaaca .

Guddiga difaaca ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhiga  Mudane Xasan Cali iyo taliyaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in kala hadli doonaan wasiirka iyo taliyaasha arimaha la xariira dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geystaan.

Guddiga ayaa sheegay in ay soo laa laabteen dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geysanayaan islamarkaasina masuuliyadaasi ay qaadayaan wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaasha.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo laa laabta dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Militariga Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho