Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay caqabad ku yihiin Xukuumada Soomaaliya.
Wasiir Goodax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixin la’yihiin hindiso sharciyeedyo ay u soo gudbisay Xukuumada.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada in aanay diyaar u aheyn in ay ansixiyaan qorshayaasha kaabaya shaqada Xukuumada.
Waxa uu ugu baaqay in Baarlamaanku ay anisixiyaan sharciyada horyaala, si shaqada xukuumada ay u qabsato.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa baryihii ugu dambeysay doodo culus ka yeelanayay xaaladaha amniga dalka Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho