PAC oo tababar uqabatay wadaadada diinta Puntland

Ha’yadda la dagaalanka AIDS-ka Puntland (PAC) ayaa maanta tababar uga furtay  xarunteeda Garowe Culumaa’udiin ka kala yimid gobolo kala duwan.

Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu iftiimiyo doorka culimada xaga wacyigalinta cudurka HIV/AIDS iyo siday uga qayb qaadan la haayeen yaraynta faquuqa iyo takoorka lagu hayo dadka la nool cudurkan.

Tababarka ayaa socon doona 5 maalmood, waxaana laga soo saari doonaa hage wacyigalineed oo xaga ka hortaga, daawaynta iyo daryeelida cudurka HIV/AIDS ah,  kuna  salaysan diinta iyo dhaqanka suuban.

Waxaa kaloo la rajaynayaa inay ka soo baxdo fariimo la isku raacay oo wacyigalinta cudurkan ah,  taas soo lagu soo qaadan doono khudbadaha jimcaha.

Culumada diintu waxay udub dhexaad u yihiin wacyigalinta bulshada cudurka HIV/AIDS, waxayna Hay’adda PAC rajaynaysaa iyadoo ku kalsoon aqoonta la galiyey, inay doorkooda qaadan doonaan si loo yareeyo faafista cudurkan.

PUNTLAND POST