Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galayay ololaha dib u nooleynta waxbarasho Soomaaliya ayaa hadalo kulul ka jeediyay islamarkaasina ka hadlay siyaasiyiin uu sheegay in ay dalka xaalado qalalaaso ah ku abuurayaan.
“Siyaasiyiinta xanaaqsan waxa ay ka hadlaan waxa xun, dadka ayay niyo jebinayaan, waxa ay leeyihiin dalkaan wuu bur-buray ee Beesha Caalamka hanaga soo gaarto ciidan malihin” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiinta ay dadka Soomaaliyeed rajadii ka tireyn sida uu yiri
“Hadalka siyaasiinta xanaaqsan dadkii waxa uu gaarsiiyay in ay niyad jabaan oo ay is dhiibaan dhimashaa dhaanta qof nool oo is dhiibay qof nool oo dhintay waa qof rajadii ay ka dhimatay”
Hadalkan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu ku weerarayo madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiinta ka soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo.
Hoos ka dhageyso codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho