kulan loogu Qaremayey Ardayda Maqalka Naafada ka ah oo Bosaso lagu qabtay

BOSASO[Puntland Post]-Kulankan oo ahaa mid bulshada loogu soo bandhigayey sidii ay uga qaybqadan lahaayen dhamaystirka adeegyada waxbarasho ee dugsiga ay wax ku bartaan ardayda qaba baahiyaha gaar ah gaar ahaana kuwa maqal la’, kaasi oo sanad kahor laga hirgeliyey magalada Bosaso.

Dr. cabdiraxman Xassan Maamulaha Dugsiga ayaa sheegay in hadafka loo aas aasay dugsigan ay tahay sidii ardayda maqalka naafada ka ah loogu heli laha waxbarsho lamid ah tan ardayda maqalkoodu taamka yahay.

Mid kamid ah waalidinta ardayda baahiyaha gaar ka ah qaba oo kahadlay kullanka aay sheegay in dugsigan uu yahay mid waxbadan kusoo kordhinaya bulshada loona baahan yahay in laga qaybqaato.

Suldaan Maxamed Muuse Maxamud Geel-xoor oo in ku dhow muddo laabatn sano ka shaqaynayey wax u qabashada dadka baahiyaha gaar ka ah qaba, ayaa bulshada ku booriyey in maamulka dugsiga ay gacan kusiiyaan sidii dugsigu usii shaqayn lahaa.

waa Markii ugu horaysay oo dugsi noocan oo kale ah laga furo magaalada Bosaso, waxaana loo arkaa mid ay ka faa’idaysan doonaan ardayda maqalkoodu uusan dhamaystirnayn.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post