Jowhar: Xildhibaano wada mooshin ka dhan ah Waare

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacayo kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa kulankooda waxa ay ku soo bandhigayaan mooshin ay ka wadaa xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle madaxweyne Waare.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu ku guuldareystay howlihii loo doortay islamarkaasina uu xarun ka dhigtay Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinka Madaxweyne Waare ay u gudbinayaan maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed.

Madaxweyne Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post