Sababta Madaxweyne Farmaajo ka baajisay Shirka Golaha Guud ee QM oo la Shaaciyay

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo maalihii u dambeeyay la isla dhex-marayay hadallo kala duwan oo ku aaddan baaqashada Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday markii labaad shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Somalia wuxuu sharraxaad ka bixiyay sababta keentay in madaxweyne Farmaajo uu ka baaqdo shirka QM ee New York ka socda.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo shirka ku matalaya Somaila, ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha uu u kala hormariyo hawlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin.

”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo khasab ma aha inay sabab yeelato, balse waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is-weydiiyo oo lala yaabo ma aha. Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin hawlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Somalia kaliya u gaar ah ma ahan,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in sannadkan ay sidoo kale shirkan guud ka maqan yihiin madaxda dalalka dariska la ah Somalia iyo kuwa kale, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaasoo uu sheegay inay shirkan ku matalayaan wasiirradooda arrimaha dibadda.

Dhanka kale, Ddadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in tani ay u baahan tahay fasiraad dheeraad ah, waxaana aqoonyahanka ka hadlay ka mid ah; Dr Ibrahim Bursalid oo BBC-da u sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo loo sababayn karo arrintan.

”Walow aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in madaxweynaha Somalia uusan aadin shirkan muhiimka ah markii labaad, waxaan la ogeyn inay ka tahay biseyl siyaasadeed iyo Quud-darreyn ku aaddan dhalashadiisa Mareykanka,” ayuu yiri Dr. Bursaliid.

Dr. Cabdiwahaab Sh. C/samad oo isna ka faalooda arrimaha caalamka ayaa dhankiisa qaba in labo mid uun ay tahay, kuwaasoo uu ku kala sheegay. ”In madaxweynaha uu waayay wax uu la hor-tago shirkan, maadaama Amniga dalka aan horumar laga samaynin, Dowlad-goboleedyadana ay is khilaafsan yihiin. Waxaa laga yabaa inuu is- leeyahay tan xalli, kaddibna shirarka xiga ee Qaramada Midoobay ka qayb-gal, adigoo haysta wax cad oo muuqda. Waxaa kaloo suurta gal in uusan dooneyn inuu wareejiyo baasaboorkiisa Mareykanka madaama waqti yar ay u hartay uusanna hubin inuu mar labaad soo laaban doono iyo in kale.” ayuu yiri Dr. C/wahaab Sheekh.

Laakiinse, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Cawad ayaa sheegay inaysan jirin wararkaas oo dhan, dadka siyaasadda falanqeeyana ay fiicnaan lahayd shaqo kale inay ku mashquulaan.

”Farmaajo madaxweyne Mareykan ma ahan, waa madaxweynaha Somalia. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go’aanka isaga ayaa leh, mana haboonna in la yiraahdo maxaad u tagi waysay,” ayuu mar kale yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in sababta uu shirka Qaramada Midoobay uga Qayb-gali waayay ay tahay maadaama uu ku mashquulsan yahay xallinta khilaafka maamul goboleedka Galmudug, balse masaalix badan oo hadii madaxweynaha uu tago shirkaasi u hirgali lahaa Somalia ayaa u muuqda hadda in ay meesha ka bexeen.

PUNTLAND POST